Hogaamiye ku-xigeenka maamulka SSC-Khaatumo Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine) ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Hogaamiye Shiine ayaa war qoraal ah oo uu ku baahiyey bartiisa internet-ka wuxuu ku sheegay inuu hambalyeynayo madaxweynaha dib loo doortay iyo masuuliyiinta kale ee Jubaland.
Dhanka kale, qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay kamid yihiin Raysal Wasaare hore, Xasan Cali Khayre, Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakur iyo masuuliyiin kale ayaa soo dhoweeyey doorashada Jubaland, isla markaana hambalyo u diray madaxweynaha markii seddex la doortay Axmed Madoobe, waxayna ugu baaqeen madaxweynaha inuu awoodda saaro dib-u-heshiisiinta Jubbaland, la dagaallanka Khawaarijta, iyo xasilloonida.
Jubaland ayaa ka dhabaysay go’aankeedii ahaa inay gaarkeeda u qabsanayso doorashooyinkeeda, balse dowladda Federaalka ayaa arrintaasi ku tilmaamtay sharci-darro, iyadoo isla maanta ciidamo geysay Raas Kambooni oo Kismaayo dhanka Koonfureed uga began qiyaastii 270km.
Horseed Media