Hoggaamiyaha sare ee dalka Iiraan Aayatullaah Cali Khamenei ayaa ku goodiyay in loo aari doono Generaal…
Hoggaamiyaha sare ee dalka Iiraan Aayatullaah Cali Khamenei ayaa ku goodiyay in loo aari doono Generaal Sulaymaan Qaasimi oo Saaka lagu dilay duqayn cirka ah oo uu Maraykanku ka fuliyay Magaaladda Baqdaad ee Ciraaq.
Wuxuu ka digay cawaaqibka ka dhalan doono dilka loo gaystay Generaal Qaasimi, isagoo sheegay in la sii wadi doono waxaa uu ugu yeeray jidka iska caabinta iyo jihaadka
Generaal Sulaymaan wuxuu ahaa astaan u taagan dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta caalamiga ah, dhammaan dadka jecel waxay ku baaqayaan in loo argudo dhiigiisa” sidaas waxaa yiri Khumayni
Dhinaca kale, wuxuu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor-diiq ah oo lagu xusayo dilka Generaal Sulaymaan Qaasimi guud ahaan wadanka Iiraan.
Qasem Suleimani oo madax ka ahaa ciidamada Qudus ee qaybta ka ah ciidamada ilaalada Kacaanka Iiraan wuxuu aad ugu dhawaa Aayatullaah Cali Khamenei, waxa uu dhowr jeer ka badbaaday isku dayo dil ah oo ay soo maleegeen Isreal iyo wadamada carabta qaarkood.
Wuxuu dowladda Iiraan u qaabilsanaa howlgalada dibada isagoo ka howlgali jiray wadamada Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan oo garab siin jiray kooxda Xisbilullah.
Dilka Qaasimi ayaa warwar badan ku abuuray wadamada Bariga dhexe iyo caalamka iyadoo laga cabsi qabo in dagaal dhexmaro Iiraan iyo Maraykanka
HORSEEDMEDIA