Khasaaraha ka dhashey weerarkii ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo korortay

Published: January 5, 2023

Khasaaraha ka dhashey weerarkii qaraxyada ahaa ee ay Al-Shabaab ku qaadeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayaa korortay iyadoo ay sababtay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Qaraxyadan oo laba ahaa ayaa galaaftay ugu yaraan 35 ruux oo ay ku jiraan siddeed xubnood oo isku qoys ah, halka 40 kale ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa isbitaalka Ordogan ee magalada Muqdisho ku booqday qaar ka mid dadkii ku dhaawacmey Qaraxyada.

Mas’uuliyiinta ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku geeryoodey qaraxa in uu alle unaxariisto kuwa dhawaca ahna uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Horseed Media