Khasaare ka dhashay Dab xoogan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

Published: January 22, 2023

Dab xoogan ayaa saqdii dhexe ee xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoona aan la ogayn waxa dhaliyay dabkaasi.

Dabka oo markii hore ka kacay qaybta maacuunta ayaa ku fiday dhismayaal iyo goobo kale oo ganacsi.

Shaqaalaha dab demiska iyo dad shacab ah ayaa goor dambe ku guuleystay deminta dabkaasi.

Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda Gobolka Banaadir, Ciise Maxamud Guure ayaa tegay suuqa, intii uu socday dadaaladii dabkaasi lagu xakameynayay.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee dabkaasi ka dhashay, inkastoo goobo ganacsi uu dabkaasi waxyeeleeyay.

Horseed Media