Khasaare ka dhashay duqeymaha ciidamada Somaliland ee Magaalada Laascaanood

Published: February 10, 2023
Shares2

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa maalintii shanaad oo xiriir ah ka socda dagaal culus, kaas oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka.

Dagaalkan ayaa rasaasta lays weydaarsanayo ka sokow barbar socda duqeyn ay ciidamada Somaliland la beegsanayaan gudaha Magaalada.

Sawiro lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya burburka guryo shacab iyo goobo kale oo ay kamid yihiin masaajidada.

Dowladda Mareykan ayaa horey u sheegay in aan la aqbalaynin duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka rayidka ah.

Horseed Media