Khasaare ka dhashay hoobiyeyaal lagu garaacay degmooyin katirsan gobolka Banaadir

Published: September 1, 2022

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo saaka lagu qaaday xaafado ka tirsan degmooyinka Xamarweyne iyo Boondheere ee gobolka Banaadir, kuwaas oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha oo gaaraya ilaa Saddex isla markaanna jugtooda siweyn looga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ku dhaceen Guryo ay deganaayeen dad Shacab ah oo kuyaalla Xaafadda Casa Italia iyo agagaarka Isgoyska Wiilwaal.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah waxaa Hoobiyeyaasha ku dhintay ilaa Saddex ruux halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo gurigooda uu hoobiyaha ku dhacay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, balse ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha saaka lagu garaacay Xamarweyne iyo Boondheere.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *