Khasaare ka dhashay roobab ka da’ay Puntland

Published: November 4, 2019
Degmada Towfiiq

24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa qaybo kamid ah deegaanada Puntland waxaa ka da’ayay roobab mahiigaan ah, waxaana meelaha qaar laga soo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Degaanka Towfiiq ee gobolka Mudug ayaa soo sheegay, in roobabka dayrta ee halkaasi ka da’ay  24-kii saac ee la soo dhaafay, ay daadad xooggan ka sameeyeen degaanka, islamarkaana ay xool badan kala tageen qoysas reer guuraaya.

Degaan xeebeedka Caluula ee gobolka Bari ayaa sidoo kale waxaa uu roobkani bur-buriyay qaybo kamid ah guryigii ay degenaayeen shacabka degmadaasi

Roobabka mahiiggaanka ah, ayaa tan iyo habeen hore ka da’yay degaanno ka tirsan gobollada Bari, Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag, gaar ahaanna dhulka xeebaha ee ku teedsan badweynta Hindiya iyo Badda Cas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *