Khasaare ka dhashay weerar ay koox hubeysan ku qaadeen Saldhiga degmada Buurtinle

Published: October 2, 2022

Maleeshiyo beeleed hubaysan ayaa weeraray Saldhiga degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal waxaana laysku adeegsaday Rasaas sababtay in uu hakad galo isku socodka Wadada dheer ee laamiga ah.

kooxda saldhiga weerartay ayaa la sheegay in ay ka soo hor-jeedaan dhalinyaro la hayb ah oo Maxkamadi xukun ku riday in loo gudbiyo xabsiga wayn ee Garoowe.

Ragaan maxkamaddu xukuntay ayaa sida la xaqiijijey isugu jira kuwao lagu soo qabtay khamri iyo rag lagu helay Dambi ah in ay dhaliyaro ciidan ah oo loo waday Itoobiya ay ka qoreen Buurtinle iyo deegaanada hoos yimaada. 

Inta laxaqiijiyey iska hor imaadka ayaa waxaa ku dhintay hal Askari waxaana sidoo kale dhaawac soo gaaray Askar kale iyo dad shacab ah.

Ma jirto wax war oo ka soo baxay lamaanaha amniga oo ku aadan weerarkan ka dhacay Saldhiga degmada Buurtinle.

Horseed Media