Khasaare ka dhashay weerar lagu qaadday deegaanka Xawaadley ee gobolka Sh/Dhexe

Published: January 17, 2023
Shares44

Ururka Al-shabaab ayaa saaka aroortii weerar ku billowday gawaari lagu soo xiray walxaha qarxa ku qaadday deegaanka Xawaadley oo qiyaastii 20 KM u jirta Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka kadib, waxaa dhacay dagaal saacado socday kaas oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyahii Guutada 3aad Qaybta 27-aad ee Ciidanka XDS Korneyl Abshir Maxmuud Maxamed (Shataqeey) ayaa kamid ah dadka ku dhintay weerarka ka dhacay Deegaanka Xawaadley.

Saldhigga la weeraray waxaa ku sugan Ciidamo katirsan Guutada 3aad qaybta 27aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, waxaa meel u dhow saldhig ku leh Askarta Midowga Afrika ee ATMIS oo wadajir uwada howlgalaan.

Horseed Media