Khasaare ka dhashay weerar loo adeegsaday hoobiyayaal oo lagu qaaday Villa Somalia

Published: January 24, 2023

Weerrar loo adeegsaday madaafiic hoobiyayaal ah ayaa maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada iyo agagaaraheeda ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa la sheegay inay ku dhawaacmeen madaafiicdaasi oo uu ku jiro canug yar oo shan sanno jir ah.

Dadka qaar ayaa sheegay in qaraxyada ay maqleen ay gaarayeen illaa todoba madfac oo aaggaasi ku soo dhacay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku dhaceen guriga gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) kaas oo ku yaal xayndaabka xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Qaar kale ay ku dhaceen guri u hore u deganaan jiray isla gudoomiyaha Golaha baarlamaanka oo aan ka fogayn guriga uu deggan yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre, iyadoo qaar kalana ay ku dhaceen xaafaddaga ka ag-dhaw madaxtooyada.

Horseed Media