Khasaare ka dhashey qarax ka dhacay meel ku dhaw Akadeemiyada Booliska

Published: October 17, 2024

Qarax weyn ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay meel ku dhaw Akadeemiyada Booliska oo ku taala degmada Xamar-jajajab magaalada Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan in qaraxu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ciidamada Boolisku wax ka cuni jireen.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Taslika Ciidanka Boolis oo lagu daabacay barta Facebook ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku nafwaayeen 7 qof dhaawacuna gaarayo 6 qof.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex sarkaal oo ka tirsan ciidanka Booliska ay qaraxa ku dhinteen, dhaawacuna uu gaarayo 12 qof oo la geeyey isbitaalada magaalada.

Waa qaraxii labaad muddo yar gudaheed ee lala beegsado goob maqaaxi ah, 28 bishii dhamaatey ee Siteembar 2024 ayaa qarax lala beegsadey goob maqaaxi ah oo ku taala degmada Xamarweyne.

Qaraxyada u danbeeyey waxaa fuliyey dad bom isku soo xirey oo naftooda haligey, waxaana aad u yaraadey qaraxyada loo isticmaali jirey gawaarida.

HORSEED MEDIA