Khasaare Xoogan oo ka dhashay dab qabsaday kaalin shidaal iyo geerash ku yaalla magaalada Garoowe

Published: September 8, 2024

Waxaa xalay dab xoogan ka qabsaday kaalin shidaal oo lagu magacaabo 3CC iyo geerash dambeeyey oo ku yaalla magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana halkaasi ku gubtay kaalintii iyo gaadiidkii ku jirey geerashka, mana jirin khasaare nafeed oo ka dhashay dhacdadan.

Dabdamiska dowladda hoose ee caasimadda Garoowe iyo gawaarida shirkadaha biyaha macaan iibiya ayaa iska kaashaday daminta dabka oo kacay xalay fiidkii salaadii cishe marka laga soo baxay.

Ganacsatada kaalinta shidaal ee 3CC iyo shacabka gaadiidku ka gubtay oo warbaahinta la hadlay ayaa u mahadceliyey dowlada iyo dadkii usoo gurmaday oo ku dadaalay inuusan dabkaasi faafin.

Horseed Media