Kheyre Iyo Shariif Oo Ku Kulmay Nairobi

Published: October 23, 2020

Madaxweynihii hore ee dowladii kumeel-gaarka ahayd ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku kulmay magaalada Nairobi.

Labada masuul ayaa sida warar hoose sheegayaan ka wada hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin doorashada soo aaddan ee dalka ka dhici doonta iyo sidii ay iskaashu guud u sameyn lahaayeen.

Sidoo kale wararka sheegaya in Xasan Cali kheyre uu raalli galin uu kasiiyay Shariif Sheikh Axmed dhacdooyinkii soo dhexmaray intii uu xilka Ra’iisul Wasaaraha Hayay.

Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Shiikh Axmed  ayaa ah laba murashax oo u taagan xilka madaxtinimada dalka ee doorashada soo socota 2021.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *