Kheyre oo khudbad la yaableh uga jawaabey shirkii Kismaayo -VIDEO

Published: October 12, 2017

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa 48 saac ee u danbeysey jeedinaayey khudbado u badan digasho iyo in aan cidna loo joojiney ee xukuumadiisu jiireyso.

Rabbi ha u anxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dhamadkii 1990 iyada oo dalka intiisa badan u gacan galay Jamhado iyo Malayshiyaad hubeysa jeediyey khudbad uu uga hadlaayo in dadka ka faa’ideystaan Kheyraadkooda, kaluunka badda ceegaaga la soo baxaan, beeraha fashaan, khudbaddaas oo laga sii daayey Radio Muqdisho ayaa ahayd kuwii ugu danbeeyey ee Siyaad dadka kula hadlo.

Khudbadda Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre ka jeediyey mudnaasabaddii xuska calanka buluuga ah ee xidigta dhexda ku leh ee Soomaaliya ayaa nuxurkeedu ahaa mid uu fariin u diraayo Madaxda Dowlad goboleedyada ee saluuga iyo cabashada ka muujiyey habka wada shaqeynta Dowladda Federaalka, isla markaana Dowladda Dhexe ka dalabatey wada hadal dhab ah oo looga hadlaayo nidaamka federaalka, wax wada qaybsiga, waxaa la dhihi karaa khudbadda Kheyre ayaa ahayd digniin, digasho iyo mid goodinba xanbaarsan, Mudaddii uu ku dhex jirey Kheyre khudbadiisa waxaa dhinac taagneyd Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiija Diiriye oo mashxarad ku ladhaysey khudbadda Raysalwasaaraha.

Kheyre ayaa sheegay in uu barwaaqo soo arkey uuna hubo dalkana kuwado barwaaqadaas, waddada uu hayo ayuu ku tilmaamey in ay tahay iftiin aan dib looga noqoneyn.

“….Waxaan lee yahay dadka Soomaaliyeed haddaad horey u arki jirteen in madaxdu niyad jabto, madaxda idin hortaagan maaha kuwii niyad jebi jirey…….”

Kheyre ayaa yiri buuqa siyaasadeed ee jira maaha mid aan albaabka soo xiraneyno, ee dadka Soomaaliyeed waa la soconeynaa ilaa dhamaadka.

Haday jirto qof Soomaaliyeed oo ka welwelsan maalmaa la qeyqeylinayo ama buuq siyaasadeed baa dhacaya sidaa daraadeed madaxda qolkeedii bay ku laabanaysa, waxaan idiin ballan qaadaya in aan idinla mari doono illaa meesha u danbeysa aan tegi doono,”

Raysalwasaare Kheyre marna kama hadlin midnimada, dib u heshiisiinta, xalinta khilaafaadka hadda muuqda, waxaana uu ku eedeeyey kuwa hadlaya in aan loo joojineyn.

Kheyre ayaa sheegay dhamaadkii khudbadiisa cidkasta oo ay dhici karto in ay ka aragti duwan tahay sida Xukuumadiisu wax u waddo in ay khadlan yihiin waxaana uu ugu baaqey in ay isaga raacaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdillaahi oo soo saarey war saxaafadeed ayaa ka garaabey shirkii Kismaayo ku soo dhamaadey, waxaana uu ku baaqey wada hadal iyo midnimo, haddii aan taas la helin aan la gaareyn yoolka loo socdo, dad badan ayaa is weydiinaya hadalada xanafta leh ee Raysalwasaaruhu in ay dab ku sii shidi karaan muranka hadda taagan isla amrkaana uu ka hor imaanayo baaqa ka soo baxay Madaxweynaha.

Daawo khudbadii Kheyre