Kheyre Oo La Kulmay Xildhibaanada Soomaaliyeed Ee Kenya

Published: October 13, 2020

Raysal Wasaarihii hore ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya maanta kulan kula qaatay magaalada Nairobi.

Kheyre ayaa xildhibaanadda iyo sanatarada uga mahadceliyey  sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin.

” Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya. Waxaan uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin. Horay waxaan wadatashiyo dhaxal gal ah ula yeeshay Shacabka Soomaaliyeed ee aan caasimadda dalka kula kulmay iyo madaxwaynaha Dowladda walaalaha nahay ee Djibouti oo qeyb wayn ka qaatay welina u taagan dib-u-dhiska dowladnimadeenna. “

Xasan Cali Kheyre

Xasan Cali Khayre oo hore u shaaciyay inuu yahay musharax Madaxweyne ayaa ololihiisa doorashada ka bilaabay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya oo inta badan ay ku sugan yihiin Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee doonaya in ay u tartamaan kursiga ugu sareeya dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Khayir ha iska wasakhin buuga wanaagsan.

    Haddii aan nahay umadda somaliyeed siyaasi kasta oo kenya u gala waxaan u snaqoonsanaha siyaasi kha,iin wada.