Khilaaf u dhexeeya shir guddoonka Aqalka sare oo soo shaacbaxay

Published: June 9, 2020

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen ayaa saxaafadda la hadley waxaana uu sheegay in ay nasiib darro tahay qoraal ka soobaxay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, kaas oo ka hordhacay kulanka Aqalka sare ee looga doodayo soo jeedintii guddiga wadajirka ah.

Qoraalka ka soo baxay guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ayaa lagu baaqey shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan Dowladda federaalka ah, madaxda Dowlad goboleedyada iyo daneeyaasha siyaasiyiinta.

Mowliid Xuseen ayaa sheegay in guddoomiye Cabdi Xaashi diidey in dhamaan soo jeedintii ajandayaasha, si looga arinsado soo jeedinta guddiyada isku dhafka ah ee habraaca doorashooyinka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka soo laabtey dalka Turkiga, iyada oo xaaladda COVID-19 aad u taagan tahay, sababta soo dedejisey ayaa ahayd in aan Aqalka Sare la fariisin iyada oo Mowliid Xuseen guddoominayo, si loo fuliyo dano la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *