Khubaro ka socotay QM oo soo geba-gabeeyay kormeerka hore ee Warshadda Nuclear-ka Zaporizhzhia

Published: September 2, 2022

Khubarada ka socotay Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay soo geba-gabeeyeen wejiga hore ee kormeerka ay ku sameynayeen Warshadda Nuclear-ka Zaporizhzhia ee dalka Ukraine.

Madaxa Hay’adda Caalamiga ee Tamarta Atoomikada (IAEA), Rafael Grossi oo hoggaaminayay khubaradan oo afar iyo toban xubnood ka kooban ayaa sheegay inay u hawlgelayeen baqdabka warshadda iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee iska soo horjeeda, kana jira halkaasi ee laga digayay.

Waxa uu sheegay in warshaddu ay waxyeelo ka soo gaartay iska horimaadyo hubeysan oo ka dhacay nawaaxigeeda, isaga oo intaasi ku daray in weli aagga warshadda ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo militari, ayna la kulmeen intii ay howsha ku guda jireen, oo subaxnimadii Khamiista ay ugu dambeysay.

Rafael Grossi ayaa tilmaamay inay joogteyn doonaan jooggitaankoda halkaasi, haddii dhinacyada ay wada shaqayn dhow ka helaan.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa soo dhaweeyay imaanshaha khubarada ee dalkaasi iyo kormeerkooda Warshadda Zaporizhzhia.

Warshaddan oo ku taala koonfur bari Ukraine ayaa waxaa bishii March la wareegay Ciidamada Ruushka, balse waxaa ka hawlgala farsama yaqaano reer Ukraine ah oo dusha laga ilaaliyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *