Dhagaysiga Khudbadaha Murashixiinta Madaxweynaha oo Socota iyo Xildhibaano La dhaariyay-Toos u Daawo

Published: February 2, 2017

Xarunta gollaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho waxaa ka socota dhagaysiga khudbadaha 7 Murashax oo ku tartamaya Doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya ee 8 bishan February 2017 ka dhacaysa Dalka.

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in 208 xildhibaan ay soo xaadireen kullanka oo toddoba murashaxna ay ka soo jeedinayaan barnaamijkooda siyaasadeed, iyadoo Hal murashax uu ka maqnaa khudbadaha maanta kaasi oo lagu magacaaboAxmed Maxamed Cabdi

Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa noqday murashixii ugu horreeyay ee barnaamijkiisa siyaasadeed ee ka horjeediya Xubnaha Barlamaanka, waxayna guddiga qabanqaabada doorashdu murashax kasta siiyay 30 daqiiqo.

Dhinaca kale, xarunta shacabka waxaa maanta lagu dhaariyay xildhibaano cusub oo dhowaan la soo doortay , kuwasoo ka mid noqday xildhibaanada dhagaysanaya khudbadaha murashixiinta madaxweynaha, waxaa kaloo barlamaanka Federaalku ay ku wareejiyeen guddiga Abaaraha ee federaalka lacagihii loo qoondeeyay ee laga qaaday murashixiinta.

Gabagabadii, Murashixiinta khudbadaha ka horjeedinaya waxaa ka mid ah Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Xasan shiikh Maxamuud iyo Murashax Sheekh shariif Sh, Aadan iyo murashixiin kale, waxayna la filayaa inay dhagaysiga khudbaduhu ay gaarto ilaa xilig dambe oo maanta ah.

Horseed Media

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *