Khudbadii Farmaajo oo u ekayd khudbadii ugu danbeysay ee Kaliyetaliyihii Masar!

28 April, 2021

Bishii Feberaayo sanadkii 2011 oo hadda laga joogo 10 sano ayuu hogaamiyihii muddada dheer kasoo talinayey…

Bishii Feberaayo sanadkii 2011 oo hadda laga joogo 10 sano ayuu hogaamiyihii muddada dheer kasoo talinayey Masar, Maxamed Xusni Mubarak soo jeediyey khudbad si weyn loola yaabay xili kacdoonka looga soo horjeedo uu meel xun marayey isagoo ku go’adoonsan Madaxtooyadiisa.

Mubarak oo la filayey inuu iscasili doono ayaa soo jeediyey khudbad muddo dheer la sugayey, balse halkii laga filayey inuu is-casilo ayuu sheegay inuu sameyn doono isbedalo oo dastuurka furi doono, wuxuuna ku dooday in “dalal Shisheeye” ay kasoo horjeedaan, xili Militariga wadankaasi oo uu isku haleenayey inay xilka kusii hayaan ay qaateen go’aan ah inay awoodda kala wareegaan iyagoo difaacanaya dhaqaalihii ay ciidamadu ka heli jireen Maraykanka.

Madaxweynaha wakhtigiisa Dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan lahayn balaaqadii Muabaarak ayaa isaguna xalay khudbadiisii sida weyn loo sugayey la filayey inuu xilka iska casili doono, ama awoodiisa dastuureed dhimi lahaa maadaama xiligii dastuuriga ahayd ka dhacdey, mar hadii Raysalwasaarihiisa iyo maamuladii uu ku tashanayey ay kasoo horjeesteen Muddo kororsigii sharci darrada ahaa oo ay ku dhawaaqeen koox ka tirsan Xildhibaanada golaha Shacabka.

Qaxiye (Bara-kiciye) Farmaajo?

Farmaajo ayaan khudbadiisa haba yaraatee aan kusoo qaadan khasaarihii xiisadihii ka dhashay muddo kororsigii ay ku dhaqaaqeen isaga iyo kooxda taageersan oo keentay iska horimaadyo hubeysan oo uu dhiig ku daatay, una horseeday shacabka Muqdisho inay isaga qaxaan xaafadaha ku dhaw xarunta Villa Soomaaliya.

Ma doonayo inaan noqdo Qaxiye (Barakiciye) ayuu yiri, isagoo dareensan dhawaaqii kasoo yeerayey shacabka degan xaafadaha Hodan iyo Hawl-Wadaag oo guryahooda isaga barakacay, kuwaasi oo ku eedeeyey Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday inuu sababay in xaaladdu halkaasi gaarto.

Collective punishment (Ciqaab wadareed)

Waxaa usii dheer in Villa Soomaaliya korontadii iyo Biyihii ka jaratay xaafadaha Hodan iyo Hawl-Wadaag tilbaadaasi oo u eg mid lagu cunaqabateenayo shacabka xaafadahaasi ku nool ee taageerada u muujiyey xoogaga kasoo horjeeda Farmaajo oo hadda ku sugan meel aan ka fogeyn Madaxtooyada.

Falkan oo loo yaqaan Collective punishment ayaa ah fal ka dhan ah Xaquuqul Insaanka, waxaana ka yaal xeerar caalami ah.

Maaha markii ugu horeysay oo uu Farmaajo biyaha iyo korontada ka jarto dhinacyada kasoo horjeeda, wuxuu sidan biyaha iyo Koronatada uga jartay Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal sanadkii 2018, kadib markii xildhibaano mooshin ka keeneen Farmaajo.

Maxamed Farmaajo oo Golaha Shacabka xiligaasi wixii ka danbeeyey ka dhigtay aalad uu si gaar ah danihiisa ugu isticmaalo ayaa sheegay inuu Sabtida soo socota markale hortagi doono Golahaasi wakhtigiisii dhamaaday.

Farmaajo ma sidii Khayre u riday buu damacsan yahay inuu u rido Rooble oo isaguna ka horyimid qar iska tuurka Farmaajo ee xil kororsiga?

Fashilinta Wadahadalka iyo Dagaal hurinta!

Farmaajo oo lagu sheego “Tanaasul-badanaha aan weligiis Tanaasulin” ayaa ka faa’iideysan waayey dhamaan fursadihii soomaray laga soo bilaabo wadahaladadii Dhuusamareeb illaa iyo Teendhadii Afisyoone, isagoo ka doorbiday inuu awood ciidan u adeegsado dhinacyada kasoo horjeeda gaar ahaan murashaxiinta ku sugan caasimada Soomaaliya.

Tiro ciidamo ah oo uu shalay ka keenay magaalooyinka Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Beledweyne ayuu ka rajo qabaa inay gacan kasiiyaan culeyska ciidan ee uga yimid ciidamada kasoo horjeeda xukunkiisa oo hada ku hareeraysan xaafada uu degan yahay.

Muxuu ka tanaasulay?

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland waxay Muqdisho fadhiyeen 40 maalmood, si loo aado doorasho loo dhan yahay la isla oggol yahay, haddii heshiiskii 17 Sept sidiisa lagu sixiixi lahaa ma intaas ayey u fadhin lahaayeen.

Waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsadey Farmaajo oo ciyaaray kaarkiisi ugu danbeeyey ee ahaa muddo kororsi, iyada oo weli shirkii teendhadu furan yahay, maxaa u diidey in uu muddo kororsigiisa ku socdo haddii ay u meel mareyso.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ma waxaa laga sugaayey in uu yiraahdo shir hala isugu yimaaado lagu saxiixi 17 Sept 2020, miyaanu ogeyn in heshiiskaasi saxiixan yahay ee waxa la isku hayaa yahay muddo xileedkiisa dhamaadey iyo awoodaha uu sida khaldan u isticmaalayo, mise waxaa laga sugaayey in uu ka hadlo

  • Ka noqoshada 12 Abril
  • In uu awoodiisa qeexo
  • In awoodda doorashada iyo amniga ku wareejiyo Raysalwasaare Rooble
  • ama in uu is-casilo

Mudaaharaad lagu soo dhaweeyey khudbadii lagu hungoobey

Xaafadaha magaalada Muqdisho ayey xalay markale ka dhaceen mudaharaadyo shacabka dhigeen oo looga soo horjeedo xukunka Farmaajo xili ay ciidamada kasoo horjeeda hogaamiyahaasi wakhtigiisa dhamaaday ay dhufeysyo cusub ka qoteen qeybo kamid ah waqooyiga magaalada Muqdisho.

Gebagebo

Ma mudna in Farmaajo lagu tilmaamo Madaxweynihii hore ee Masar oo ahaa nin ka talinayey dowlad heysata ciidamada ugu badan Afrika iyo waliba dhaqaale ku filan, hase yeeshee Macangagnimada Kalitaslinimadu waxay ku bidaa inaad damacdo si kasta oo aad xukunka ku joogi kartid inaad fasho xataa hadii uu dhiig badan ku daadanayo.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Mubaarak ayaa dhaamey waayo qudbadiisa waxaa ku jirtey in uu mar kale u istaagi doonin doorasho.

  2. Taariikh Kooban Kacaankii 1969 ilaa Maanta 2021.
    Somaliya iyo 1969 waxaa si afgambi ah oo dhiig ku daadan kula wareegay dalkii koox askar ah lana magacbaxday kacaankii uu hogaaminayey Siyaad Barre. Laakiin uu dhiig badan gadaal ka daadiyey oo aan la mahdin. Kacaanku wuxuu joogay muddo 20 sano ah. Waddankiina waa dhisay, nasiib darro waxaa ku kacay jabhado qabiileysan oo aakhirkii ka tuuray hogaankii mudada dheer uu ku xukumayey dalka.
    Kacaanku runtii kalitalis buu ahaa, markii xaaladii waddanku xumaatay oo ay gaartay meeshii ugu danbeysay ayaa odayaal iyo waxgarad kacay, waxay ka codsadeen in uu dalka badbaadiyo oo uu xukunka wareejiyo, nasiibdaro ma dhicin oo sida caadiga ah dunida qofka kalitaliska ah waxba lagama dhaxlo aan burbur ahayn.

    Jabhadihii mid ka mida ah sida USC ayaa xukunkii ka cayrisay ayagiina lama mahdin oo xukun degdeg ah waa dhisi kari waayeen sababtoo ah horaan waxba ugu soo diyaarsaneyn. Sidaas ayaa dalkii sodon sano la soo dhisayey marqura lagu burburiyey.

    Waxaa la galay fawdo iyo dawlad la’aan. Waxaa la burburiyey hantidii waddanku lahaa qaasatan kacaanku soo dhisay, warshado iyo hanti xafiisyo dhammaan.

    Waxaa la dhisay dawlad ku sheeg uu hogaaminteeda lahaa MW Ali Mahdi mase shaqeyn.

    Dawlada Jabuuti waxaa lagu soo dhisay sanadii 2000 dawlad uu hogaaminteeda la wareegey MW Abdiqasim Salaad Hasan nasiib darro waxay ka soconweysay dagaal oogayaal Xamar joogay. Waqtigaas waxaa aasaasmay Maxaakiimta waxayna sifeeyeen Xamar. Runtii haddii aysan Maxaakiimtu sifeeyeen Xamar dawlad kale kama suurtogasheen Xamar, waana ku amaanan yihiin.

    Shirkale baa laga abaabulay Kenya sanadkii 2004 kaas oo ahaa shirkii ugu waqti dheeraa dunida. Waxaa lagu dhisay dawlad uu hogaaminteeda lahaa MW Abdullahi Yusuf Ahmed wuxuu dhidibada u taagay dawladiina fariisiyey meeshii uu kacaanku fadhiyey ee Villa Somalia. Runtii uma suurtogalin MW Abdiqaasim oo Xamar joogay in uu fariisto. MW Abdullahi Yusuf asagoo waqtigiisii dhameysan waa iscasilay.

    Waxaa la wareegay MW sh Shariif sh Ahmed bacda hawl afar sano ka dib wuxuu xukunkii ku wareejiyey MW Xasan shiikh. Bacda hawl afar sano ka dib 2017 wuxuu xukunka ku wareejiyey MW Farmaajo.

    Runtii qori isku dhiibkaas baa hawshu ku socotay MW kastana wixii uu qaban karey qabtay. Nasiibdarro markii uu waqtigii ka dhammaaday MW Farmaajo wuxuu isku dayey in uu ku darsado 2 sano kacdoon ciidameysan baa ka horyimid taas oo waddankii ku sigtay in uu burburo oo ku laabto meel laga keenay 20 sano ka hor. Haddana xaaladu ay taagan tahay oo meel la aado la garan kariwaayo. Allow sahal amuuraha.

    Waxaan ku talin lahaa sidii loogula taliyey MW Siyaad Barre 1991 in uu xukunka wareejiyo oo waddanka badbaadiyo.

    Sidoo kale MW Farmaajo in uu xukunka wareejiyo oo waddanka badbaadiyo.

    MW Farmaajo runtii wuxuu yimi waqti waddan iyo shacab wada shaqeynaya maantana waddan qaybsamey iyo shacab qaybsamey bay arrintu taagan tahay.

    Marlabaad waxaan ku talinlahaa in
    MW Farmaajo in uu xukunka wareejiyo oo waddanka badbaadiyo.

    Go’aankii Hirshabeele, Galmudug iyo mudane Rooble wuxuu u muuqday go’aan lawada gaaray ama heshiis lagu ahaa oo MW Farmaajo ku jiray maadaama ay soconweyday ku darsigii 2 da sano.
    Khudbadii MW Farmaajo waxay ahayd is amaanid iyo garowshiyo la’aan habeenkii 28/04/2021 dhibkii dhacay iyo qaxii shacabka Somaaliyeed.

    Muwaadin maxaa xal ah?!!

    Ahmed, from London