Khudbadii Trump ee UN-ka iyo wafuuda Beesha Caalamka oo ku qoslay – VIDEO

Published: September 26, 2018

Madaxweynaha Dowlada Maraykanka Donald Trump oo khudbadiisa kasoo jeediyey kulanka 73aad ee Golaha-loo-dhaqan-yahay ee Qaramada Midoobay oo shalay ka furmay magaalada New York ee dalka Maraykanka, ayaa waji gabax kala kulmay wafuuda beesha Caalamka oo ku qoslay intuu khudbada soo jeedinayey.

Trump ayaa khudbadiisa kusoo qaatay guulaha uu sheegay inay dowladiisa gaartay intuu xilka qabtay isagoo sheegay in guulahaasi ay yihiin kuwii ugu badnaa ee ebid dowlada Maraykan ah gaarto, arrintaasi oo ay si wadajir ah ugu qosleen boqolaalka wafuuda ah ee ka kala socda Caalamka ee Golaha ku sugnaa.

Donald Trump oo ah nin aad u neceb in lagu qoslo maadaama ay taasi wax weyn u dhinto Isku-kalsoonidiisa ayaa sheegay inay lama filaan ku noqotay qosolka Beesha Caalamka.

Trump ayaa khudbadiisa inta badan ku weeraray dowlada Iran, halka uu hadalo wanaagsan u diray Kuuriyada Waqooyi oo uu sanad kahor isla Golahaasi ka sheegay inuu burburin doono, wuxuu sidoo kale sheegay in wadan walba dantiisa ka fekero isagoo dhaliilay isdhexgalka Caalamka (Globalism).

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *