Kiisas cusub oo Covid-19 ah oo laga diiwaan geliyay Maamul goboleedyada dalka

Published: June 6, 2020

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in maanta guud ahaan dalka laga helay 85-kiis oo cudurka Covid-19 ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhammaan maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir laga helay kiisas cusub oo Coronavirus ah. Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Somaliland laga helay 29, Gobolka Banaadir 19, Galmudug 17, Jubbaland 14, Koofur galbeed 5 iyo Hirshabeelle oo 1 ruux ah.

13 ruux ayaa ka bogsatay xanuunka 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaana u geeriyooday 3 qof.

Tirada guud ee kiisaska Covid-19 ee dalka ayaa ah 2,289, (laba kun laba boqol sideetan iyo sagaal) tirada bogsatay ayaa gaartay 431 (afar  boqol soddon iyo kow) halka tirada guud ee dhimashada ay tahay 82 (sideetan iyo labo) ruux.

HORSEEDEMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *