Kiiskii 2aad ee Cudurka Covid 19 ayaa laga xaqiijiyay gudaha Soomaaliya.

Published: March 26, 2020

Sida ay xaqiijisay Wasiirada Caafimaadka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Fawsiya Abiikar Nuur waxaa la xaqiijiyay in la helay qofkii labaad ee qabada cudurka dunidda kusii faafaya ee Carona-Virus ama Covid 19.

Wasiirada Fawsiya ayaa sheegtay in laga helay muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimi dalka dibadiisa, waxay xustay in cafimaadkiisu uu roon-yahay sidoo kalena aysan ka muuqan calaamadaha cudurkaan Covid-19.

Ugu danbayn wasiiradu waxay shacabka ugu baaqday in ay si aad ah u taxadaraan, sidoo kale hoos loo dhigo kulamada laysugu imaanayo, sidoo kale in hakad la geliyo safarada aan muhiimka ahayn.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *