Kismaayo: 4 Qodob oo Wasiiradu Isku raaceen In Lagu Daro Dastuurka Federaalka

Published: December 21, 2019

Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose lagu soo gaba-gabeeyay shirkii wasiirada maaliyadda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Shirkan oo looga hadlayay qodobada muhiimka ah ee maaliyada ee lagu dari karo cutubka maaliyada ee Dastuurka federaalka ee Soomalaiya iyo dooda habka lagu maareeyo xogta maamulka maaliyadda ee dalka.

Gabagbadii ayaa waxaa Wasiiradu ku heshiiyeen in Afar qodob lagu daro cutubka maaliyada ee Dastuurka federaalka, loona gudbiyo wasaaradda dastuurka, sidoo kale waxya isku raaceen xoojinta dib-u-habaynta nidaamka maaliyadda iyo sidoo kale kobcinta dhaqaalaha dalka.

Qodobada la soo jeediyay ee La isku raacay

  1. Kala Saarida awoodaha dakhli ururinta
  2. Hanaanka qoondaynta dakhliga
  3. Xafiiska hanti dhowrka guud
  4. daymaha iyo amaah qaadashada

Shirkan waxaa shir guddoomiyay wasiirka maaliyadda DFS Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, waxaana ka soo qaybgalay wasiirada maaliyada ee maamul goboleeydada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug

Akhriso War-murtiyeedka Shirka

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *