Ciidanka Booliska Jubaland ayaa qabtay haweeney ninkeedii ku dishay sharaab ay sun ugu dartay
Taliska Qaybta Ciidanka Booliska Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo ayaa soo qabtay eedaysane Sahra Xuseen Maxamed oo ku eedaysan inay ninkeedii dishay masayr awgii.
Falkan oo xalay ka dhacay xaafadda Farjano Waaxda Dalxiiska ee magaalada Kismaayo, ayey ciidanka boolisku sheegeen in haweenaydu ninkeeda cabitaan ay usoo iibisay ugu dartay sunta Libaaxa, taasina ay sababtay inuu geeriyoodo.
Marxuumka, alle ha u naxariistee oo lagu magacaabi jirey Cabdullahi Cabdiraxman Abuukar, ayaa xaaskiisu u dhashay lix caruur ah afar wiil iyo labo gabdhood.
Booliska ayaa sheegay in eedaysanaha geystay falkan naxdinta leh la horgeyn doono maxkamada sida ugu dhakhsiyaha badan.
Horseed Media