Kismaayo: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo magacaabay xillal kala duwan

Published: November 29, 2022
Shares29

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soosaaray wareegtooyin magacaabis ah oo is xig-xigay, xilalka uu magacaabay Axmed Maxamed Islaam Madoobe waxaa kamid ah:

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland u magacaabay S/Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane oo ah sarkaal muddo la shaqeynayey maamulkaas.

Axmed Madoobe ayaa Taliyaha Booliiska Jubbaland u magacaabay Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cabdi Yuusuf, waxaana ku xigeen looga dhigay Gaashaanle Sare Xuseen Cali Xaashi.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Guddoomiyaha Gobolka Jubada Hoose u magacaabay Xasan Cabdi Guure, halka ku xigeenkiisa uu u magacaabay Muuse Maxamed Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magacaabay Guddoomiye ku xigeennada Degmada Kismaayo ee Maamulka & Maaliyadda, Arrimaha Dowladda Hoose & Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada.

Axmed Afey Cabdi ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeennada Degmada Kismaayo ee Maamulka & Maaliyadda.

Cabdi Cawil Xasan waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo.

Najiib Barre Salaad oo uu Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Madoobe u magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Kismaayo.

Horseed Media