Kismaayo oo lagu qabtay doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka

Published: January 26, 2022

Waxaa maanta oo arbaca ah lagu doortay magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose  saddex xildhibaan oo ka mid noqon doona baarlamaanka 11-aad ee golaha shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan, Xasan Xuseen Maxamed ayaa kusoo baxay doorashada kursiga koowaad ee HOP126 waxa una helay 74-cod halka Musharaxa la tartamayay C/raxmaan Macalin Xuseen uu isna helay 21-cod waxaa halaabay 5 cod.

Dr Axmed Aadan Axmed ayaa isna ku guulaystay kursiga sumaddiisu tahay HOP127 waxa uu helay  84 Cod halka Musharaxa la tartamayay uu helay Cabdiqaadir Cabdullaahi Xirsi uu helay 16-cod.

Waxaa sidoo kale xildhibaannada soo baxay ka mid ah Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo cod gacan taag ah ku Guleystay  kursiga tirsigiisu yahay HOP118.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *