Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Gudoon cusub doortay.

Published: November 30, 2019

Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo dhawaan golaha wakiiladda Somaliland ay ansixiyeen sidoo kalena la dhaariyay ayaa kulankii isugu horeeyay ee ay maanta qabsadeen waxay ku doorteen Gudoomiyaha Cusub iyo ku xigeenka Gudigga. Cabdirashiid Riyo-Raac ayaa gudiggu u doortay in uu noqdo Gudoomiye, Halka ku xigeenkana lo doortay Mustafe Daahir.

Xubinta Cabdirashiid ayaa horay Somaliland uga abuurtay xiisad siyaasadeed oo kaliftay in la xirro xubna sarsare oo ka tirsan xisbiyadda Mucaaridka Somaliland, Xisbigga Wadani ayaa horay Gudoomiyaha cusub ugu eedeeyay in uu yahay xubin ka tirsan Xisbigga Kulmiye isla markaana uu dhex-dhexaad ahayn.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *