Komishanka doorashooyinka Somaliland oo ku dhawaaqey xiliga doorashooyinka maamulkaas.

Published: July 17, 2023

Komishanka doorashooyinka Somaliland oo muddo laga sugaayey in ay cayimaan xiliga ay dhacayso doorashooyinka maamulka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey, go’aan u xaglinaya Madaxweynaha Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi.

Komishanka Doorashoyinka ayaa sheegay in doorashada ururada siyaasaddu ay ku tartamayaan la qabanaayo 28 Diseembar 2023, waxaa ku tartamaaya saddexda Xisbi ee hadda jira Kulmiye, UCID iyo Waddani iyo dhamaan ururada siyaasadda ee is-diiwaan geliyey si ay u soo baxaan saddexda uur ee siyaasaddu ee maamulkaasi yeelanayo muddo10-ka sano ah. Komishanka Doorashooyinka ayaa sidoo kale sheegay in doorashada Madaxweynaha la qaban doono bisha Nofeembar 2024.

Go’aanka ay kimishanka doorashooyinka Somaliland maanta ku dhawaaqeen ayaa ka danbeeyey kulamo iyo wadatshiyo ay maalmihii u danbeeyey la lahaayeen daneeyayaasha siyaasada sida xisbiyada, ururada bulshada rayidka ah iyo madax dhaqameedka Somaliland.

Doorashadii Madaxweynaha Somaliland ayey ahayd in la qabto bishii Nofeembar 2022, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in doorashadiisa ay ka horeyso tan Xisbiyada siyaasadeed kadib la qabanaayo tan madaxweynaha, arintaas ayaa keentey in Aqalka Guurtida Somaliland ay muddo laba sano ah xilka u kordhiyeen Muuse Biixi Cabdi, waxaa si ba’an arintaas uga horyimid Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani oo sheegay in doorashada Madaxweynuhu wakhtgeedi soo hormarey oo ay tahay in la abto laakiin Muuse Biixi doonaayo in uu iyaga meesha ka saaro oo Xisbiyo kale oo isagu wato keensado.

Xaaladda Somaliland ayaa ahayd mid aad u xun, kadib dagaalo lagu hoobtey oo ay ku qaadey gobolka Sool kuwaas oo weli socda, beesha caalamka ayaa canbaareysey weerarada Somaliland oo beegsadey dadka rayidka ah iyo goobaha adeega bulshada, waxaana loogu hanjabey in cunno qabateyn la saari doono.

Horseed Media