Kongareeska Maraykanka oo hawshiisa dib u bilaabay kadib weerarkii taageerayaasha Trump

Published: January 7, 2021

Labada aqal ee Baarlamaanka Maraykanka ayaa dib u bilaabay fadhigooda wadajirka ah oo ay ku ansixinayaan natiijadii doorashadii Madaxweynaha, kadib markii uu fadhigooda hakad geliyey weerar ay taageerayaasha Trump ku qaadeen xarunta Capitol Hill oo ay xoog ku galeen.

Amaanka nawaaxiga Xarunta Baarlamaanka ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoo ciidamo dheeraad ah halkaasi la geeyey, waxaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay qaar badan oo kamid ah kooxihii xagjirka ahaa ee taageera Trump oo fowado ka sameeyey gudaha xaruntaasi iyo xafiisyada xildhibaanada.

Dhacadan oo noqoneysa tii ugu horeysay oo nooceeda ah oo ka dhacda dalka Maraykanka ayaa lagu eedeeyey Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday Donald Trump oo isagu ku dhiirigeliyey taageerayaashiisa inay tagaan xarunta Baarlamaanka xili uu socday kalfadhiga labada Aqal oo ansixinaya natiijada doorashadii Madaxweynaha.

Hawsha Ansixinta ayey sidoo kale carqalad ku wadaan qaar kamid ah Xildhibaanada xisbiga Trump ee Jamhuuriga ah oo doodo ka keenay natiijada, Baarlamaanka ayaa hal hal u ansixinaya natiijada ay soo gudbiyeen dowlad Gobaleedyada.

Iskudayga ugu danbeeyey ee Trump ku doonayo inuu xukunka kusii joogo ayaa ah mid aan wax isbedal ah ku keeni doonin natiijadii doorashada oo ay horey usoo ansixiyeen dhamaan dowlad gobaleedyada dalka, xildhibaanada Federaalka Maraykanka ayaan sidoo kale awood ullahayn inay wax ka bedalaan codbixinta Shacabka.

Kadib markii Baarlamaanka ansixiyo natiijada maanta ayaa waxaa bilaaban doonta qaban qaabada munaasabada dhaarinta Madaxweynaha cusub Joe Biden oo dhici doonta 20ka bishan Janaayo.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *