Kongareeska Mareykanka oo diiday Deeq dhaqaale ee Israel loogu talo galay

Published: February 7, 2024

Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Mareykanka ayaa diiday qorshe uu soo diyaariyey xisbiga Jamhuuriga oo doonaya in lacag gaareysa $17.6 bilyan oo dollar oo dheeraad ah loogu deeqo Israel.

Codbixinta xildhibaanada ayaa ahayd 250 diiday iyo 180 taageertay, iyadoo 166 Dimuqraadi ah iyo 14 Jamhuuriga ka tirsan ay kasoo horjeesteen qorshahan lagu taageerayey Israel.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa horey u horistaagay ansixinta miisaaniyada xukuumada Joe Biden soo diyaarisay oo ay ku jirtay in $14 bilyan lagu taageero Israel, halka sidoo kale Ukraine loogu deeqi lahaa $60 bilyan oo dollar.

Xildhibaanada Jamhuuriga ayaa kasoo horjeeda in dalka Ukraine wax deeq ah lasiiyo, balse taageersan in Israel lacagta lasiiyo, iyagoo soo diyaariyey qorshahan si gaar ah loogu ansixin lahaa Israel deeqdaas dhaqaale, hase yeesheen qorshahan ayaa fashilay kadib markii codeynta ay waayeen taageerada aqlabiyada Golaha Wakiilada (Kongareeska).

Horseed Media