Koobka kubadda cagta adduunka oo maanta ka furmaya dalka Qatar

Published: November 20, 2022

Koobka kubadda cagta ee qaramada adduunka ayaa maanta ka bilaabanaya dalka Qatar, waana markii ugu horreysay oo dal Carbeed oo Muslim ahi lagu qabanayo.

Ciyaarta ugu horreyso ayaa lagu daahfuri doonnaa xulalka Qatar iyo Ecuador, oo ka wada tirsan Group A. Sharciga ayaana ah in lagu bilaabo dalka martida gelinaya.

Ciyaarta furitaanka ayaa ka qabsoomi doonto garoonka Al Bayt ee magaalo xeebeedka Al Khor. Al Khor ayaa 50km dhanka waqooyi kaga beegan Caasimadda Doha, waxaana uu garoonku qaadaa lixdan kun oo taageere.

Labadan qaran ayaa waxaa Group A ku wehlinaya dalalka Seneral iyo Netherlands, waana tartan ka kooban 8 Group, oo ay ka qaybgelayaan 32 dal.

Tartankan oo socon doono muddo 28 cisho ah ayuu qorshuhu yahay in la soo geba-gabeeyo 18-ka bisha soo socoto ee December, markaas oo lagu soo afmeeri doono ciyaarta finalka.

Horseed Media