Koonfur Afrika: Milateriga oo Wadooyinka Lagu Fasaxay

Published: April 23, 2020

Madaxeynaha Koonfur afrika Cyril Ramaphosa ayaa amar ku bixiyay in la howlgaliyo ciidamo Milateri ah oo tiradoodu tahay 73 Kun oo askari kuwasoo ka qaybqaadanaya dhaqangelinta bandowga lagu soo rogay wadankaasi.

Qoraal uu madaxweynuhu u diray Barlamaanka ayuu ku sheegay inay korortay tirada dadka uu soo ridanayo cudurka Coronavirus sidaas darteedna loo baahan yahay in ciidamada Milateriga lagu fasaxo wadooyinka si ay u dhaqangeliyaan bandowga lagu soo rogay magaalooyinka

Bishii march 27, madadaxweynaha koonfur Afrika wuxuu howlgaliyay ciidamo gaaaray 2,228 Askari hase yeeshee wuxuu go’aansaday inuu kordhiyo ciidamada si uu dadka ugu khasbo inay u hoggaamsamaan tallaabooyinka looga hortegayo Coronavirus

Koofur Afrika, tirada dadka uu ku dhacay cudurku waxay gaadhay 3,465, waxaana cudurka u dhintay dad gaaraya 58 qof. guud ahaan dalkaasi waxaa ilaa 27 march lagu soo rogay Bandow soconayaa ilaa 5 todobaad.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *