Guddiga Doorashada Koonfur-Afrika ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada Doorashada dalkaasi ka dhacday todobaadkii lasoo…
Guddiga Doorashada Koonfur-Afrika ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada Doorashada dalkaasi ka dhacday todobaadkii lasoo dhaafay, iyadoo xisbiga talada haya ee ANC uu lumiyey aqlabiyadii uu ku lahaa Baarlamaanka.
Xisbiga ANC ee halganka dheer usoo galay xoriyadda dalkaasi ayaa markii ugu horeysay lumiyey awooda Baarlamaanka tan iyo markii ay xilka qabteen 1994, arrintan oo ah natiijada dhaq dhaqaaqa isbedal-doonka ee dalkaasi ka jirta.
ANC ayaa helay 40% cododka, iyagoo horey u heystay in ka badan 50% cododka doorashooyinkii hore.
Xisbigan ayaa horey u heystay 230 kursi ee Baarlamaanka (National Assembly) oo ka kooban 400 kursi, balse wuxuu hada helay 159 kursi. Wuxuuna hada xisbiga ANC ku khasban yahay inuu dowlada lasoo dhiso xisbiyada kale.
Xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance (DA) ayaa hadda haysta 87 kursi, xisbiga Madaxweynihii hore Jacob Zuma ee dhawaan la aasaasay ee uMkhonto weSizwe (MK) uu helay 58 kursi, halka ay kaalinta 4aad galeen xisbiga xagjirka ah Economic Freedom Fighters ee uu hoggaamiyo Julius Malema iyagoo helay 39 kursi.
Xildhibaanada lasoo doortay ayaa iyagu dooran doona Madaxweynaha, taasoo ka dhigan in xisbiga ku guulaysta doorashada uu helo awoodda ugu sareysa ee dalka.
Madaxweynaha hada xilka haya ee Cyril Ramaphosa ee xisbiga ANC ayaa soo dhaweeyey natiijada, isagoo sheegay in arrintan ay guul u tahay dimuquraadiyadda dalkaasi.
Hase-yeeshee Madaxweynihii hore ee dalkaasi Zuma oo isaga baxay xisbiga ANC oo hada hogaamiya xisbiga MK ayaa ku dooday in musuq-maasuq lagu sameeyey doorashada, kuna hanjabay inay soo gudbin doonaan dacwado ka dhan ah natiijada.
Horseed Media