Koonfur Galbeed oo shaacisay jadwalka doorashad lix kursi

Published: February 28, 2022

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay jadwalka doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo guddiga horay u shaaciyay in la qabanayo doorashadooda.

Guddiga qoraal ay soo sareeyn ayaa lagu shaaciyay in 1-da Bisha Maarso oo Beri ah la bilaabi doono tababarka Ergada doorashada lana shaacin doono Guddiyada Ergooyinka.

Guddiga ayaa sidokale sheegay in maalinta talaadada ah la diiwaangalen doono musharaxiinta lixda kursi, halaka maalinta  khamiista ah taarikhduna ay tahay 3- Maarso la qaban doono doorashada lixda kursi oo kala ah.

1: Hop#275

2: Hop#230

3:-Hop#183

4: Hop#

5: Hop#050

6: Hop#253

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *