Kooxda Koonfurta Yemen oo ku dhawaaqday Is-maamul u gaar ah

Published: April 26, 2020

Golaha Kumeel gaarka ah ee xoogaga Koonfurta dalka Yemen ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe wixii ka bilowda ay hirgelin doonaan ismaamul u gaar ah oo ka talin doona magaalada Cadan iyo gobalada koonfurta dalka Yemen oo ay gacanta ku hayaan.

Kooxdan oo taageerada militari ka hesha dowlada Imaaraatiga ayaa horey ulla dagaalamay ciidamada Dowlada Caalamka uu aqoonsan yahay ee Madaxweyne Cabdulrabbu Mansuur Hadi.

Bishii Agoosto ee sanadkii tagay ayey kooxdan dagaal kula wareegtay qeybo kamid ah magaalada Cadan oo hada Magaalo Madax kumeel gaar ah u tahay Xukuumada Caalamka aqoonsan yahay, waxaana dagaalkaasi lagu soo afjaray heshiis ay labada dhinac kuwada saxiixdeen magaalada Riyaad ee Sacuudiga bishii November.

Hase yeeshee xukuumada Caalamka aqoonsan yahay ayaa tilaabadan ku sheegtay mid lagu burburinayo heshiiskii la saxiixay bishii November, waxayna dowlada Yemen oo iyaduna taageero ka hesha Sacuudiga ku goodisay in wixii cawaaqib-xumo ah oo ka dhasha go’aankan ay eedeeda qaadi doonaan kooxda Koonfurta Yemen.

Dagaalka u dhaxeeya labada dhinaca ayaa sidoo kale muujinaya sida ay dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatiga oo xulafo ah ugu qeybsan yihiin siyaasadooda ku aadan dalka Yemen.

Golaha Koonfurta Yemen ayaa sheegay inay go’aankan qaateen kadib markii dowlada Yemen ay kasoo bixi weyday heshiiskii horey loo saxiixay ee qorayey in kooxdaasi lagu soo daro Golaha Wasiirada, ciidamadoodana la hoos-geeyo xukuumada, waxay sidoo kale ku eedeeyeen dowlada Haddi inay awood u heli weyday bixinta adeega bulshada.

Xiisadan dib usoo cusboonaatay ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato dalka Yemen oo kamid ah wadamada laga cabsi qabo inuu si ba’an ugu faafo cudurka Covid-19 maadaama uusan wadankaasi lahayn adeeg caafimaad oo wanaagsan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *