Kooxda xiriirka caalamiga ah ee Somalia oo u digtay baarlamaanka TFG-da

Published: February 6, 2012

Kulan shalay ugu soo gaba gaboobay dalka Jabuuti kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa digniin loogu jeediyey xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu tilmaamay in ay yihiin qas wadayaal.

Shirki Jabuti oo uu gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali ayaa lagu gorfeeyey qodobadi kasoo baxay Shirki Garoowe, muhiimada Shirkada London, mudanayaasha baarlamaanka ee xilka ka qaaday Shariif Xasan iyo wajiga labaad ee shirka Garoowe.

Dhamaan dalalka daneeya Soomaaliya ee la isku yiraahdo kooxda xiriirka caalamiga ah ayaa isku raacay in talaabo adag laga qaado xildhibaanada is hortaagay horay u socodka roadmapka iyo in laga baxo ku meel gaarka.

Afhayeenka xukumada, Eng. C/raxmaan Yariisoow oo ka warbixiyey kulanka ayaa tilmaamay in sidoo kale laga hadlay qodobada lagu fur furi doono shirka Garoowe oo lagu wado in bishaan uu ka dhaco halkaasi.

Shirkaasi ayaa la sheegay in looga xaajoon doono dhameystirka qodobadi shirki hore ee sanadki hore ka dhacay Garoowe.

 

Horseed Media