Kow iyo toban caruur ah oo ku geeriyoodey dab ka kacay isbitaal ku yaal Senegal

Published: May 26, 2022
Madaxweynaha Sengel Macky Sall
Madaxweynaha Sengel Macky Sall

Kow iyo toban carruur ah oo markaas ka dhashey ayaa ku dhintay dab ka kacay isbitaal ku yaalla magaalada Tivaouane ee galbeedka Senegal, sida uu sheegay Madaxweynaha dalkaas goor dambe oo Arbacadii ahayd.

Wax yar ka hor saqdii dhexe ee Senegal, Macky Sall ayaa Twitter-ka ku shaaciyay in 11 carruur ah oo weli ku jira Isbitaalkii ay ku dhasheen ay ku dhinteen dabka.

“Hadda waxaan xanuun iyo murugo ku ogaadey dhimashada 11 dhallaan ah ee ku dhintay dabka qaybta dhallaanka ee isbitaalka dadweynaha,” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray. “Hooyooyinka iyo qoysaskooda, waxaan u muujinayaa oo la qaybsanayaa dareen murugo leh,” ayuu Sall ku daray.

Musiibada ayaa ka dhacday Isbitaalka Mame Abdou Aziz Sy Dabakh ee magaalada Tivaouane, waxaana dabka sababey khalad ka dhashey korontada, sida laga soo xigtey Diop Sy oo ka mid ah siyaasiyiinta dalkaas.

“Dabku si degdeg ah ayuu u faafay,” ayuu yidhi.

Duqa magaalada Demba Diop ayaa sheegay in la badbaadiyay saddex caruur ah oo keliya.

Sida ay sheegtay warbaahinta gudaha, Isbitaalka Mame Abdou Aziz Sy Dabakh ayaa dhawaan la furay.

Dhacdo tan la mid ah ayaa ka dhacday waqooyiga magaalada Lingure dabayaaqadii bishii April, markaasoo dab uu ka kacay isbitaal ayna ku dhinteen afar caruur ah oo oo markaas dhashay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *