Ku dhawaad 1,200 oo tahriibayaal ah oo laga soo bad-baadiyey xeebaha Talyaaniga

Published: April 11, 2023

Ciidamada Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sameeyey laba howlgal oo ballaaran oo ay ku soo badbaadiyeen ku dhawaad 1,200 oo tahriibayaal ah oo la socday doomo buux dhaafiyay xeebaha Sicily.

Doonyo kale ayaa gaaray jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, taasoo ka mid ah dekedaha ugu muhiimsan ee ay ka soo degaan dadka doonaya inay gaaraan Yurub, dhammaadkii toddobaadka.

Sidoo kale Ilaalada xeebaha ee dalkan ayaa horay u badbaadiyay ilaa 2,000 oo qof howlgalo kale tan iyo Jimcihii.

Soogalootiga tagaya Talyaaniga ayaa aad kor ugu kordhay marka la barbar dhigo sannadkii hore.

Sida laga soo xigtay kooxda socodaalka ee IOM Mashruuca Muhaajiriinta maqan, in ka badan 26,000 oo qof ayaa ku dhintay ama lagu waayay badda bartamaha Mediterranean-ka tan iyo 2014-kii.

Horseed Media