ku dhawaad 20 qof oo cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday Degmada Jalalaqsi.

Published: February 16, 2020
Degmada Jalalaqsi.

Sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha Cafimaadka Degmada Jalalaqsi ku dhawaad 20 ruux ayaa u geeriyooday cudurka Shuban-biyoodka oo halkaas ka dilaacay, sidoo kalena waxaa xarumaha caafimaadka la jiifiyay bukaano kale oo cudurku uu soo ritay.

Cudurka shuban biyoodka ayaa ka dilaacay deegaano kamid ah gobolka Hiiraan iyo gobolka Sh/dhexe taas oo loo sababaynayo in ay ka dhasheen fatahaadaha wabiga Shabelle. Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa lagu waddaa in ay halkaas gaaraan sidoo kalena ay gaarsiiyaan dawooyin.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *