Ku dhowaad 100 kun oo qof oo ka soo barakacay dagaalka Laascaanood oo gaaray deegaannada DDS

Published: March 5, 2023

Ku dhowaad boqol kun oo qof oo qaxooti ah oo ka barakacay dagaallada ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa gaaray deegaannada Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Wasiirka xafiiska maaraynta khataraha masiibooyinka dawlada deegaanka Soomaalida Axmed Yaasiin Sheekh Ibraahim ayaa sheegay in dadkaan Dowlad Deegaanka Itoobiyo ay u aqoonsatey dad qaxooti ah oo xaaladdooda ay la socoto Qaramada Midoobay.

Wasiirka ayaa sheegay in 13 goob oo kala duwan oo hoostaga Saddex degmo oo katirsan Gobolka Doolo in ay joogaan qoysaskaan si loo garab qabtana uu maamulku billaabay olole qoysaskaas loogu raadinayo kaalmo la xiriirta waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Dagaalka ka socda Laascaanood ka sokow barakaca waxaa ka dhashay dhimashada dad ka badan 100 ruux, dhaawaca dad kor u dhaafaya 600 oo qof iyo burbur magaalada soo gaaray.