Kulan ay yeelan lahaayeen labada gole ee BJFS oo baaqday, kadib weerarkii Hotel Villa Rossa

Published: November 28, 2022
Shares4

Kulan wada-jirka ah oo maanta loo balansanaa inay yeeshay labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaqday.

Fariin loo dirtay Xildhibaanada ayaa loogu sheegay in gabi ahaanba uu baaqday kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole.

Sidoo waxaa fariinta la raaciyay in dib laga soo sheegi doono xiliga la qabanayo fadhiga xiga.

Baaqashada kulankan ayaa yimid kadib weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen hotel u dhaw maadxtooyada kaasi oo ilaa iyo haatan aan la shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Horseed Media