Kulan Dhexmaray Wasiirada Arrimaha Dibada ee Kenya iyo Somaliya

Published: March 11, 2020

Magaaladda Nairobi ee xarunta wadanka kenya waxaa wadahadalo uga furmeen wefti ka socda dowlada Somaliya iyo dowladda Kenya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta wadahadal kula yeeshay Nairobi dhiggiisa dalka Kenya, Marwo Raychelle Omamo.

Labada Wasiir waxa ay kulankooda kaga wadahadleen sidii loo yarayn lahaa wixii khilaaf ah ee jira, loona sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Kulankan ayaa daba socda wadahadal ay Madaxweynenayaasha Kenya iyo Somaliya ay khadka telefoonka ku yeesheen 5-tii bishan Maarso 2020-ka

HORSEEMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *