Kulan dhexmaray wefdiga aqalka sare ee Kismaayo iyo odoyaasha dhaqanka-Sawiro

Published: September 21, 2018

 

Wafdiga Golaha Aqalka sare ee ku sugan magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka iyo Ururka Haweenka Jubbaland,waxayna kala hadleen sida ugu haboon ay uga qeyb qaadan karaan xal u helista khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Dowlada Goboleedyada.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo Ururka Haweenka oo madasha kullanka ka hadlay ayaa waxay sheegeen iney muhiim tahay in xal loo helo khilaafka jira,islamarkaana dhankooda kaalin muhiim ah ka qaadanayaan.

Sidoo kale,Wafdiga Aqalka sare ayaa dhageystay aragtida Odayaasha dhaqanka iyo Ururka Haweenka Jubbaland iyo siday la tahay in isfaham lagu gaari karo si horay loogu sii amba qaado horumarada lagu tallaabsaday.

Kulamadan waxay qeyb ka yihiin kulamo xogwareysi uu wafdigu la yeelanayey maamulka iyo bulshada Dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Goboleedyada,iyadoo wafuud kaladuwan oo goluhu dirayna ay kulamo kaladuwan la yeesheen madaxda maamulada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *