Kulan diimeed ay dhalinyaro badani ka qayb qaateen oo Gaalkacyo lagu soo gaba gabeeyey [Sawiro]

Published: February 12, 2012

Waxaa Magaalada Gaalkacyo ku soo gebagabawday Dawro diini ah oo Machadka Culuumta Islaamiga ah iyo barashada Carabiga ee Faaruuq uu u qabtay Ardayda sanadihii ugu dambeeyay ka qalinjabisay Machadkan.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Hoolka Shirarka ee Amal Plaza ayaa ardaydan lagu guddoosiiyay Jaa’isooyin (Abaal-marinno), waxaana goob ka ahaa Masuuliyiinta Waxbarashada ee Gobolka Mudug, Maamulka Guddiga Dacwada ee Gobolka Mudug, Maamulka Jaamacda Bariga Afrika, Culimaa’udiinka Gobolka, Maamulka Machadka Faaruuq, Walidiin iyo arday Farabadan oo ka mid ah ardaydii dowradan soo dhamaysatay.

Cilmi Yuusuf Axmed Maamulaha Machadka Culuumta Islaamka iyo Barashada Luuqada Carabiga ee Faaruuq oo ugu horay Munaasabadan ka hadlay ayaa ka warbixiyay Dawradan, wuxuuna Tilmaamay in dawradani oo mudo Todobaad ah ka socotay Magaalada Gaalkacyo loogu talagalay in kor loogu qaado tayada aqooneed ee dhalinta Soomaaliyeed.

Cilmi wuxuu sheegay Dawradani in lagu bixiyay duruus la xiriirta Culuumta Islaamka iyo barashada kutubta diiniga ah, wuxuuna ka dhaawajiyya dawradani in ay soo diyaarisay Dallada Macaahimada Sharciga ah, horaynta Machadyada kale qaarkood ay u soo bixiyeen.

Maamuluhu wuxuu xafladani ka jeediyay khudbad dheer oo ku salaysan dadaalka ay ugu jiraan in bulshada soomaaliyeed ay ka dhisaan barashada diinta si ay u soo baxaan ducaad u taagan fidinta diinta islaamka iyo gaarsiinta Manhankan Umada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa isna kulankan ka hadlay Guddoomiyaha Waxbarshada Gobolka Mudug Dr. Bashiir Axmed Khalaf oo aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay barashada diinta islaamka ah iyo gaarsiinta bulshada inteeda kale.

Guddoomiyuhu wuxuu dhalinyaradan ugu baaqay in ay bulshada uga faa’ideeyaan aqoonta ay heleen sidoo kalana ay kula laabtaan guryahoodii iyo ehelkoodii baahida weyn u qabay iftiiminta diinta.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in ay jiraan dadaalo wasaarada waxbarshada Puntland ay dib ugu habaynayso Manaajinta wadanka iyadoo ku salaynaysa diinta iyo sharciga islaamka si meesha looga saaro waxyaabaha Manaahinta Gaalada ku jira ee lidiga ku ah diinta islaamka, iyo barbaarinta dhalinta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga Dacwada ee Gobolka Mudug, ahna Maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika Dr. Aadam Maxamed Cigaal oo isna xafladan ka hadlay ayaa ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay barashada diinta iyo kala ogaanshaha waxyaabaha khaladka ah ee aysan shareecadu ogolayn iyo kuwa saxda ah.

Dr. Aadam Maxamed Cigaal wuxuu si qoto dheer ula hadlay ardaydii dawradan qaadatay oo gabdho u badnaa wuxuuna kula taliyay in ay qoysaskooda iyo qaraabadooda uga faa’ideeyaan Culuumtan ay barteen, sidoo kalana ay dumarka kale baraan shaceecada Islaamka ee ay barteen si looga hortago weerarada joogtada ah ee Gaaladu ay ku hayso dhaqanka iyo diinta shucuubta Islaamka ah gaar ahaana dumarka.

Sidoo kale waxaa iyaguna goobtan ka hadlay Masuuliyiin kale oo iyaguna aad ugu dheeraaday muuhimada ay dumarka u leedahay barashada shareecada islaamka iyo ku dhaqankeedaba, waxaana intaasi kadib waxaa ardayda la gudoonsiiyay Abaalmarino ku salaysan qiimayntii dadaalkii ay muujiyeen intii dawradu ay socotay.

Dawradani waxay ku soo aadaysaa xilli Magaalada Gaalkacyo ay aad ugu yartay dadaalada noocan ah ee lagu kobcinayo aqoonta diinta Islaamka ee shucuubta Soomaaliyeed gaar ahaana dhalinyarada wiilasha iyo dumarka ah.

Horseed Media