![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/03/Shir-ladagaalanka-musuqa-040322-1.jpg)
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane Avv. Xasan Xuseen Xaaji iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa, ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlaayey qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen dardar gelinta howlaha iyo la dagaalanka musuqa .
Dhinacyadaasi,Waxa ay ka hadleen,isla markaana ay gorfeeyeen sharciyada u baahan dhaqan gelinta iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka musuqa,
kulanka waxa uu kusoo idlaadey jawi is-af garad,waxaana la isla gartay in lala dagaallamo musuqa ragaadiyey horumarka Dalka,iyadoo sidoo kale hoosta laga xariiqay in si wadajir ah Qaranka Soomaaliyeed loogu matalo kulamada heshiisyada caalamiga.