Kulan lagu dhiiri gelinayo xulka kubadda cagta e Karkaar ayaa maanta Qardho ka dhacay [Sawiro]

Published: February 11, 2012

Kulan balaaran oo ay ka soo geyb galeen inta badan dhalinyarada gobolka Karkaar iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka ayaa maanta ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Kulankan oo ahaa mid lagu dhiiri gelinayo xulka kubadda cagta ee gobolka Karkaar laguna taageerayo guushii ay shalay ka gaareen ciyaartii ay la yeesheen gobolka Mudug ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin badan.

Maxamed Muuse Ismaaciil oo ah isuduwha gobolka Karkaar oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay si weyn ay u taageersan yihiin habsami u socodka ciyaaraha gobolada Puntland.

Isuduwaha ayaa sidoo kale sheegay inay u rajeenayaan garsoorayaasha ciyaaraha cadaalad inay muujiyaan maadaama ay jiraan cabashooyin ka imanaya dhanka kooxda gobolka karkaar oo iyagu xusay in khaladaadka kooxaha aan si siman loo qaban.

Cumar Maxamuud Cumar(Cumar Hantiila) oo ka mid ah dhalinyarada gobolka ayaa ugu baaqay taageerayaasha xulka karkaar inay ciyaarta Finlka si fiican uga soo qayb galaan si loo xoojiyo niyadda ciyaartoyda loona dhiiri geliyo.

Kulankan oo ay ka hadleen mas’uuliyiin kala duwan ayaa dhamaan dadkii ka soo qayb galay waxay isku raaceen in la xoojiyo Sports-ja gobolka maadaama ay ciyaaruhu ka qayb qaataan nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali [Black]

Horseed Media

Qardho