Kulan looga hadlayay maqaamka Caasimadda iyo dhammaystirka Dastuurka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Published: July 23, 2024

Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay kulan howleedka maqaamka caasimadda ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda cadaaladda iyo Arrimaha dastuurka ee XFS, kaas oo muddo laba cisho ah ka socday Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in Wasaaradda iyo madaxda ugu sarreysa dalka ay ka go’an tahay sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Dastuurka uusan dhameystirmeynin illaa meel la saaro Maqaamka Caasimadda iyo Matalaadda gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo shirka qayb ka ahaa ayaa boogaadiyay kulan howleedkaan diiradda lagu saarayay hannaanka Maqaamka Caasimadda, asigoo xusay in shacabka Caasimadda iyo kuwa gobolka Banaadir ay baahi weyn u qabaan dhameystirka Dastuurka iyo in ay helaan Matalaaddooda.

Madashan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, La-taliyeyaal ka socday Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Guddoomiyaha gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, Agaasimeyaal ka tirsan Wasaaradda iyo Maamulka gobolka Banaadir, Ururka Haweenka, Madaxda Bulshada Rayidka iyo mas’uuliyiin kale.