Kulan looga hadlayey dhibaatooyinka iyo xakamaynta gudniinka Fircooniga ah oo Qardho ka dhacay [Sawiro]

Published: February 6, 2012

Kulan balaaran oo ay ka soo qeyb galeen bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta dowlada hoose ee degmada Qardho.

Kulankan oo ay ka hadleen Dhakhaatiir, Culimaa`uddiin, iyo qaar kamid ah Madaxda Ururada bulshada ayaa ahaa mid ku saabsan dhibaatooyinka uu gudniinka gabdhaha ee Fircooniga ahi leeyahay.

Duqa degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise (Hogaama-laroor) oo kulanka furay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la kordhiyo wacyi galinta ku aadan sidii loo joojin lahaa gudniinka fircooniga ah, isagoo ku baaqay in la gaarsiiyo tuulooyinka iyo miyiga fog ee aan weli wacyigelinta lagavfulin.

Dr.Yaasiin Xaaji Cabdi oo ah isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Karkaar oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulankan ayaa isna sheegay in ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay qabaan hablaha loo gudo fircooniga caafimaadkoodana ay waxyeelo soo gaarto.

C/rashiid Ismaciil oo ka scoday Hey’adda Save the Childreen ayaa tilmaamay in maanta ay muhiimad gaar ah leedahay loona baahan yahay inay dadku isla gartaan sidii loo joojin lahaa gudniinka Fircooniga oo ah caado xun isla markaana aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suuban ee Islaamka.

Sh. Axmed Cawaale oo ku hadlayey magaca Culimaa`uddiinka ayaa sheegay in gudniinku uu haboon yahay balse ay tahay in gabdhaha loo gudo habka ay sunada nebigu tahay, Sheekhu waxa kale oo uu hay`adaha arima gudniinka ka shaqeeya ku dhaliilay inay buun buuniyaan una ololeeyaan sidii gudniinka gebi ahaantiisba loo joojin lahaa arintaas oo uu tilmaamay inay tahay mid aan habooneyn.

Isuduwaha Wasaaradda Haweenka ee gobolka Karkaar Sahra Siciid Jaqanaf oo ugu danbeyntii madashaas ka hadashay ayaa xustay in ay soo dhoweynayaan talaabooyinka lagu joojinaayo gudniinka Fricooniaga ah maadaama uu dhibaato weyn ku hayo guud ahaan haweenka Soomaaliyeed.

Kulanka maanta ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta maamulka degmada Qardho ayaa ahaa mid looga hadlayey dhibaatooyinka gudniinka gabdhaha ee Fircooniga ah iyo sidii loo joojin lahaa, waxaana soo qaban qaabiyey hay`adda Save The Children iyo xafiiska wasaarada caafimaadka Puntland ee gobolka Karkaar.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali [Black]

Horseed Media

Qardho