Kulanka ganacsatada Soomaalida Kenya iyo rayslawasaare Xamse

Published: May 8, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, ayaa kala hadlay kaalintooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada Xukuumaddiisa ee ku saleysan taabbo gelinta hannaanka dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga gudaha dalka iyo hirgelinta barnaamijyo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyey dadaalladooda la xiriira adkeynta dowladnimada iyo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyaan dhibaatooyinka dalka ka dhaca.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada in ay maalgashi ku sameeyaan gudaha dalka, tanoo abuuri karta fursado shaqo. Maalgashigaani wuxuu fursad u yahay in laga faa’iideysto xubinnimadeenna suuqa bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo ah suuq cusub iyo horumar dhaqaale oo ballaaran”.

Ganacsatada ayaa la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha talooyin ku aaddan dowlad dhiska iyo horumarinta dalka, iyaga oo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee ay xaqiijisay Xukuumaddu muddada labada sano ku dhow ee ay shaqeynaysay.