Kulanka hogaamiyayaasha Mareykanka iyo Shiinaha

Published: November 15, 2023
Shares24

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la kulmay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo booqasho ku tagay dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa ka qeyb galay Shirweynaha [Asia-Pacific Economic Cooperation] (APEC) oo ka dhacay magaalada San Francisco.

Labada hogaamiye ayaa kulamo gaar ah yeeshay intuu shirkaasi socday. Waxayna si gaar ah diirada u saareen xiisada militari iyo ganacsi ee u dhaxeysa labada dal.

Ma jirin shir wadajir ah oo ay labada hogaamiye wada qabteen kadib kulankooda.

Biden oo si gaar ah ulla hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkooda uu ahaa mid mirro-dhal ah.

Wuxuu sheegay inay ku heshiiyeen China in dib loo furo xiriirkii tooska ahaa ee militariga labada wadan.

Waa kulankii ugu horeeyey oo ay yeeshaan labada hogaamiye muddo sannado ah.

Qodobada ugu waaweyn ee Mareykanka iyo Shiinaha isku hayaan ayaa waxa kamid ah, arrimaha Taiwan & Kuuriyada Waqooyi, Ganacsiga iyo dagaalada Gaza & Ukraine.

Horseed Media